Madaxweynaha oo Maanta saxiixaya Miisaaniyadda Dowladda Sanadka 2018-ka.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-ka.
Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka waxaa dhawaan ansixiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadibne waxa cod ku aqbalay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.


Golaha aqalka sare oo shalay kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho waxay anixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-ka,waxayna ogolaadeen inuu saxiixo Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo.
Dhanka kale Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo kulankii shalay shir gudoominayay ayaa sheegay in warqadda Miisaaniyadda uu isaga Maanta u geynayo Madaxweynaha Soomaliya si uu ansixiyo.