ILA QOSOL: Ilaahow sidaan isku ogeyn lee ha noo ahaato

Nin magaciisa ku soo koobay Axmed ayaa ka hadlay dhacdo isaga si gaar ah u qabsatay, taasi oo ku saabsan sidii uu ku heli lahaa xaas labaad isagoo mar kasta oo uu tukanayo Alle SWT ka codsanayay inuu u fududeeyo rabitaankiisa.

Maalin maalmaha ka mid ah Axmed isagoo guriga ku tukanaya ayaa markii uu duceysan rabay waxa uu dhinaciisa ka arkay xaaskiisa oo fadhisa meel aan ka fogeyn, wuxuuna ka baqay inuu ku duceysto sidii uu ku heli lahaa xaas labaad.

“Ilaahow sidaan isku ogeyn lee ha noo ahaato” ayuu yiri Axmed oo ujeedadiisu ahayd inuu qariyo codsigiisa ku aadan xaaska labaad, bacdamaa xaaska weyn ay agtiisa ku sugan tahay oo haddii uu si toos ah ugu dhawaaqo inuu xaas labaad codsanayo uu la kulmi lahaa dagaal uga yimaada iyada.