Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay Qalab Casri ah oo Qashinka iyo Carrada looga saarayo Dekadda Muqdisho

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay qalab casri ah oo ka saaraya Maraakiibtii ku bur burtay Biyaha Badda iyo Qashinka ku dhex jira.

Shirkadda Albeyrak oo ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa qalabkaan casriga keentay, waxaana goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim gaar ah u leh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doono sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii hagi lahaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.

Dhanka kale Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho, iyadoo Qalabkaan casriga ah loo diyaariyay shaqaale loo tababaray bixinta Maraakiibtii ku bur burtay biyaha Badda Soomaaliya.