Ciidamada ammaanka Kenya oo Magaalada Gaarisa ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab.

War Qoraal ah oo ka soo baxday Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay howgalo ay ka sameeyeen Ciidankeeda ammaanka Kenya deegaano ay ku tuhmayeen inay ku sugan yihiin Al-Shabaab oo magaalada Gaarisa ah ku dileen Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in Howlgalkaasi lagu dilay 5-ka mid ah Al-Shabaab, iyadoo howlgalkaasi uu ka dhacay magaalada Gaarisa ee Gobalka W/Bari Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Kenya ayaa lagu sheegay in Shabaabka la dilay ay ahaayeen Maleeshiyaadkii weeraray Gaarisa iyo Deegaanka Ijaara kuwaas oo ay Ciidamada Kenya mudooyinkaan raadinayeen.

Dhanka kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay la kulmeen Gaari laga qaatay Saldhigga Ijaara,kaas oo walxaha qarxa lagu xiray, kaddibna la bur buriyay, sidoo kale waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 5 Qori oo AK47 ah,13 Joornaal,370 Xabbo oo rasaas ah, labo Garneyl iyo maaddooyin laga sameyn karo walxaha Qarxa.