Warbixin ku saabsan Maraykanka iyo Weerardii uu ka fuliyay sanadkan 2017 Soomaaliya 

Dowladda Mareyka ayaa sanadkan dhamaadka ah Soomaaliya ka geystay Duqeymo diyaaradeed oo ka badan Sanadihi La soo dhaafay Taasi oo La shegayo in ay timid, kadib markii uu madaxweyne Trum la wareegay talada dalkaasi Mareykanka wuxuuna kordhiyay Weerarada loo geysto Kooxaha Argigixisada ah.

Warbixin ay soo saareen waaxda warfaafinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in 2017 ay gudaha Somalia ka geysteen ugu yaraan 34-weerar oo loo adeegsaday duqeymo diyaaradeed.

Donal trumb Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishii Marso ee sanadkan gebo gebada ah waxaa uu xafiiskiisa fududeeyay Xeerar lagula dagalamao Al-Shabaab isagoo sidoo kale qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya u aqoonsaday aag dagaal sida warbxinta ku xusan.

Howlagalada Mareykanka ee sanadkan dhacay ayaa waxaa la shegay inay ku dhinteen in ka badan 155 oo isugu jira saraakiil iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Warbixintu waxay xustay in Boqol ka mid ah ay ku dhinteen hal weerar oo 21-ki Novembar lagu qaaday xero ay Shabaab ku tababartaan oo ku taala meel u dhaw deegaanka Leeb Cade ee Gobolka Bay.

Weerada ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale sanadkaan qeyb ka ahaa Bartilmaameed ay la beegsadeen Gawaari ay leeyihiin Shabaab kuwaa qaarkood la sheegay inay wadeen walxaha qarxa.

Bishan Dec kaliya ayaa ay labo ka mid ah weerada Diyaaradaha Mareykanka waxaa lala eegtay baabuur la sheegay inay ku soo wajahnaayen magalada Muqdisho.

Duqymaha sanadkaan 31-ka mid ah ayaa lala eegtay Saldhigyo iyo Baabur ay Shabaab lahaayeen, halka sadex kale lagu weeraray kooxda Daacish ee Ka dagaalanta deegaanada Maamulka Puntland.

Weerarada Mareykanka sanadkaan ee gudaha dalka ayaa waxa xusid mudan inuu ka mid ahaa mid 25-kii August lagu qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose halkaas oo ay ku dhinteen 10- qof oo ahaa shacab.