Gen. Cabdi Qaybdiid “Waxaa la bililiqaystay Gurigayga, waxaa la jir dilay Xaaskayga, Taasina aniga uma dulqaadan doono..”

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa, wuxuuna Shir jaraa’id uu ku qabtay Gurigiisa isaga iyo Xildhibaano kale uu ku sheegay in Gurigiisa ay soo galeen Ciidamada Nabad sugidda gaar ahaan kuwa afka duuban ee Imaaraadka tababaray wuxuuna sheegay inay hanti badan ka qaatayn.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Gen Qaybdiid ayaa sheegay in la jir dilay Xaaskiisa, Gurigiisana la bilalaqaystay taasna aan loo dulqaadan doonin.

Dhanka kale wuxuu Cabdi Qaybdiid dalbaday in laga jawaabo falkii dhacay ama ay ka dhalan doonto Cawaaqib xun, mana jirto dhanka kale wax xaqiijin kara asbaabtii ciidamada Dowldda ay gurigaasi sida xooga ah ku galeen iyo weliba cida ku amartay inay weerarkaasi ku qaadaan Gurigaasi.