Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo oo weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid uu ahaa Sharci daro.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, wuxuuna amray in si deg deg ah loo baaro ciddii ka dambeysay weerarkaasi sharcigana la waafajiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Howlgalkaasi uu ahaa mid sharci darro ah, wuxuuna Taliyaha xoogga ku amray inuu soo baaro falkaasi iyo ciddii amartay.

Waxaa la xaqiijiyay in Ciidanka weerarka fuliyay ay ka tirsan yihiin kuwa ciidanka xoogga Soomaaliya, iyadoo horay loo sheegay inay ciidankaasi ka tirsan yihiin Nabad sugidda Soomaaliya.

Dhanka kale Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid sharci darro ah lana baari doono.