Ciidamada Sacuudiga oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbaan Soomaalida dalkaasi ku sugan.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AP Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeyay in tacadiyo xooggan oo ay u geysatay dad Qaxooti ah oo ka soo kala jeeda Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasi oo si sharci daro ah ku galay Dalkaasi.


Dowladda Sacuudiga ayaa dadkaasi si qasab ah ugu Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna dadkaasi u sheegeen AP in dhibaatooyin ay ka mid tahay Gaaraacitaan iyo Dil ay iskugu dareen Ciidamada Sacuudiga, xilliga ay soo qabanayeen.
Muuwaadin Soomaaliyed oo lagu magacaabo Axmed Saciid , kana mid ahaa dadka la wareystay ayaa AP u sheegay in markii la soo qabtay la galiyay Xabsi cariiri ah, islamarkaana uu isticmaalayay Biyo wasaqeysan intii uu ku jiray xabsiga, taas oo keentay inuu ku xanunsado halkaasi.