Ciidamada Maraykanka oo Duqayay Gaari Walxo Qaraxa ka buuxaan oo Ku soo Wajahnaa Muqdisho

Qraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday meel 25 Km dhinaca Galbeed uga toosan Caasimadda Soomaalia Muqdisho, taas oo lagu bartilmaameydsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.


Howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in sidoo kale weerarkaasi ay ku dileen 4 ka mid ah maleeshiyaadka Xagjirka ah ee Al Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in Gaariga qaraxyada laga soo buuxiyay ee la burburiyay loogu talagay in lagu weeraro shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka hortageen kadib markii ay heleen xogta gaarigaasi.

Dhanka kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay gaariga lagu fuliyay diyaaradaha daroniska ee aan duuliyaha lahayn, inkastoo aan lagu caddeyn magaca goobta lagu bartilmaameydsaday.