Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka oo xilka laga qaaday

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in xilka qaadis lagu sameeyay xeer ilaaliye ku xigeenkii Qaranka Axmed Cali Abuukar, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaabka xil ka qaadistiisa.

Sida ay inoo sheegeen ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa waxaa xilka looga qaaday digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, balse weli degreetada lama helin.

Warar ku dhow dhow Xeer Ilaaliye ku xigeenka shaqada laga casilay ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadib markii uu ka horyimid habkii loo maray xarigiisa.

Dhinaca kale ilaa iyo iminka wax war ah kama soo saarin xeer ilaaliye ku xigeenka xil ka qaadistiisii, inkasta oo warar laga soo xigtay ay sheegayaan inuusan la socon balse uu ka maqlay warbaahinta oo kaliya.