Falanqeynta Maanta: intaad caasimada ka hadlin iswaydii su’aalahan?

Dagaaladii sokeeyay ayaa Somalia kasocda dagaalkan wuxuu u dhaxeeyaa soomaalida dhexdeeda. Waa dagaal bilowdey 1991

Dagaalku sokeeye waxuu dhaliyaa degenaasho la’aan iyo nolol la’aan. Wuxuu socdaa 27 sano
Sida aad ka warqabtaan Waxaa dalkeena maanta ka socda dagaalo sokeeye, kawaas oo ay isaga horimaanayaan dad Soomaali ah inkastooy jiraan Shisheeyana. Somalida isku diraya

Su’aalo aan is waydiiyo Qofkasta oo soomaaliya ayaa is waydiiya. Ma ku noolaan kartaa magaalada aad ku dhalatay?
Jawaabta oo gaaban waa maya

Su’aal kale Mala midoobi kartaa inaad markale is aragtaan dhamaan Qoyskaaga iyo saxiibadaa meeshee aad ku soo kortay idinkoo wada jooga.? Jawaabtu. oo gaaban waa maya.

Su’aashe kale Ma arki kartaa dhamaan dariskii yaqaanay hooyadaa iyo aabahaa iyo walaaladaa.? Jawaabto oo gaaban. Waa maya

Su’aasha kale

Ma booqan kartaa Dugsigii aad waxku baratay iyo cisbitaalka aad ku dhalatay ama Gurigii aad ku dhalatay ama dugsigii aad Quraanka ku baratay ma booqan kartaa adigoo amni dareemaya iyo inaad wadan kaaga jooggo. Jawaabta oo gaaban waa maya

Hadii aadan su’aalahaa jawaab u hayn taamacnaheedu waxa wali socda dagaalkii sokeeye wali heshiis bulsho ma dhicin. Sow maaha.

Sow ma’ahayn in uu dib-uheshiisiin iyo isafgarad wax ku raadiyo ?

Qofka muwaadinka soomaaliyeed haduu suurta gal u ahay inuu wadankiisa nabad ugu noolaado isagoo helaya nolosha uu dareemayo.ee ah inuu meeshuu rabo ku noolaan karo.

Suurta galmaaha inuu ku qasbanaado nolol barakac ama Qaxooti ?

Waxaa xaqiiq ah dhamaan soomaali waa wada Qaxdey meelkasta dagaalka sokeeye waa wada gaaray 1991 ilaa 2017. Wadooyinka wadanka ugu dhaadheer way xiran yihiin.

Mar hadaanu ogaanay in aan lagu kala adkaanin dagaal sokeeye, oo runtii aan keenay tusaalayaal badan oo waaqici ah. Hadaba Maxaa xal ?

Qofka sheeganaya caasimada waa wada leenahay iyo Qofkaleh anaa iska leh caasimada

sow inuu is waydiiyo maaha Qoyskaagii maxaa caasimada ka qixiyey oo dhamaan u wada Qaxney? Maxaa caasimada ka dhigay meel in dadka Qofka ugu qaaba badan duhurkii lagu hordilo. Xaqiiqda aad deeno ayaa sax ah.

Xildhibaanada Ku faanaya reer keeni ayaa cariyey reer kale adiga inaan naftaada ilaalinteeda lacag ku bixiso maxaa keenay?
Hadaad og tahay inaad reer kiinu caasimada leeyihiin sow inaan xaqiiqda ogaano maaha.

Soomaaliya maanta waxaan suurta gal ka ahay

1 )oday kaaba qabii ah. intuu lugeeyo geeliisii ama beertiisii ama doontiisii nabad ma ku joogi karaa isagoo og inay beesho nabad qabto? Jawaabto waa maya

2) wadaad caalim ah oo diinta islamka dadka baray nabad ma kumarikaraa dadkiisa iyo dalkiisa.? Jawaabtu waa maya.

Waxaa u diiday. Odeygii iyo wadaadkii nin kasta oo xun ayaa reer ahaan lagu difaacaya

Xagee. Nabab loo Raadiyaa meel dadkii nabada Raadin lahaa Dilkooda la raadinaayo.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabay nayaa. Anigu waxaan ka mid ahay dadka aan jawaab u hayn su’aala aan korku soo Qoray.

Waxaan ahay muwaadiniinta soomaaliyeed wadanka uga Qaxay dagaalka sokeeyey dartiis
Suurta gal iima aha inaan ku noolaado meeshii aan ku dhadhey.

Xaqiiqdu waa in lahelaa dad u istaaga in colaadan soomaali dhextaal xal iyo heshiis Qaran laga gaaro.

Sawirka lifaaq. 15.8.1990

Waxaan ku dhashey cisbitaal digfeer

Waxaan ku soo koray oo dugsiga hoose/ sare
Jaamacadda Lafoole , oo mararka qaar loo yaqaan Lafoole College , waa xarun wax lagu dhigo oo ku taal Lafoole, Degmada Afgooye , oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya .

Danjire maxamed caalim
is a Somali political analyst, writer and
former diplomat.