Xildhibaan Saabir oo eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku eedeeyay inuu lacag siiyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka si aysan uga hadlin xaaladda Siyaasadda dalka.

Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay inay hayaan cadeymo muujinaya in Madaxweynaha Farmaajo uu Xildhibaano siiyay qarashaad badan si aysan uga hadlin arintii Qalbi Dhagax iyo xaaladaha kale ee Siyaasadda.

Arintaasi ayuu sheegay inay tahay mid sharciga baalmarsan, wuxuuna sheegay Madaxtooyadda Soomaaliya illaa hadda inay bixiso qarashaad la siiyo Xildhibaano, si aysan uga hadlin xadgudubyada dowladda ay sameyso.

Wuxuu sheegay kulanka Baarlamaanka marka uu furmo xubnaha Golaha Shacabka inay aragti mideysan ka qaadan doonaan arintaasi oo xadgudub uu ku tilmaamay.