Kooxo hubeysan oo dilay Taliyihii Xerada Ciidamada Inji ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan xalay Magaaladaasi ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland.

496515016

Sarkaalkaan ayaa la dilay, xilli uu ku sii jeeday xaafadiisa, uuna ka tagay xerada Inji ee Magaalada Gaalkacyo sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Qaley Yuusuf Jiile, ayaa wuxuu taliye ka ahaa Xerada Ciidamada Inji ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin ciidamo ka tirsan Puntland.

Dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaan, ayaa durbadiiba meesha ka cararay, waxaana wararku sheegayaan in kooxaha dilka gaystay wajiyada u duubnaayeen, iyadoo Ciidamada Puntland oo dilka kadib tagay goobta, ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan cidna lagu soo qaban.