Haweenka ku jira Aqalka Sare oo doortay Hoggaan cusub

Xildhibaanada haweenka ah ee kujira golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Ku doortay gudoon ugaar ah kulan ay maanta xildhibanada Aqalka sare ku yeesheen xaruntooda.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdulaahi waxaana kasoo qeyb galay inta badan xildhibaanada iyo sidoo kale xubno matalayay gobolka banaadir iyo UNKA .

Guud ahaan xildhibaanada haweenka ah ee kujira golaha aqalka sare ee dalaka ayaa ka kooban 13 xildhibaan waxa ayna kucodeynayeen 12 xildhibaan madaama hal sanatar ay xanuunsaneed.

Doorashada ayaa waxa utaagnaa ilaa iyo 9 xubnood oo ukala sharaxnaa Gudoomiye , Gudoomiye kuxigeen kowaad , Gudoomiye Kuxigeen Labaad , Xog Haye iyo Qasnaji.

Doorashada kadib ayaa waxa Natiijada Doorashada kudhawaaqay gudoomiyaha golaga Aqalka Sare Cabdi xaashi Candulaahi.

Cabdi Xaashi cabdulaahi Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa Waxa uu sheegay in midnimada haweenka kujira labada baarlamaan ay tahay lamahuraan marka lasameynayo guddi.

Waxa uu sheegay in laga fiican yahay in labada baarlamaan ay sameystaan labo gudi mid walba ugaar ah taasi oo uu sheegay in ay muujineyso kala qubnaanta ka jirta qarannimada Soomaaliya.