Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo goordhow la Ansixiyay

Wararkaka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka maamul Gobaleedka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Ilaa 77-Xildhibaan ayaa codka kalsoonida siisay Golaha Wasiirada Hirshabeelle, halka ay ka soo horjeesteen 2-Xildhibaan, waxaana sidaasi lagu ogolaaday Golaha wasiiradda uu Madaxweyne Waare u soo gudbiyay Baarlamaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Xildhibaanada Hirshabeelle ansixinta kadib ayaa kaga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen wasiiradda Hirshabeelle, isagoona sheegay in Golaha Wasiiradda looga baahan yahay inay la yimaadaan qorsheyaal wanaagsan iyo shaqo adag oo lagu hormarinayo deegaanada Maamulkaasi.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa ka kooban 57 xubnood, kuwaasi oo kala ah 20 Wasiir,20 Wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru Dowlle, waxayna ansixinta xukuumadaan ka dambeysay kadib dadaalo uu Maalmihii ugu dambeeyay waday Madaxweyaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, isagoona Xildhibaanada ku qanciyay Muhiimada ay leedahay in xiligan la ansixiyo Golaha wasiirada Maamulka Hirshabeelle.