shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada oo Baydhaba ka furmay

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay shir u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada dalka.

Ujeedada shirkaan ayaa la sheegay inay tahay xoojinta xiriirka u dhaxeeya guddoonka Golaha Shacabka Iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira Baarlamaanadooda.

Shirka ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana lagu gorfeyn doonaa, qaabka ay ku wada shaqeyn karaan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Iyo Gudoonka Golaha Shacabka.

Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin hanaanka wada shaqeynta Gudoonka Golaha shacabka iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.