Dowladda Norway oo dalkeeda ka soo masaafurinaysa in ka badan kun qof oo Soomaali ah.

Wararka kaimaanaya dalka Norway ayaa la soo sheegayaa in Dowladda dalkaasi ay xabsiyada dhigtay in ka badan kun qof oo qaxooti Soomaali ah kuwaas oo sanado badan ku noolaa Dalka Norway, waxaana lagu wadaa in dhawaan loo soo celiyo Soomaaliya kadib markii ay ka been sheegeyn xogtii ay siiyeen Dowladda Norway.

Xildhibaan ka mid ah Golaha deegaanka ee Dalka Norway kana mid ah Soomaalida ku nool Dalkaasi ayaa Sheegay inay xabsiyo la giliyay in ka badan kun qof oo Soomaali ah, sidoo kale wuxuu sheegay inay dadka ku jiraan Xabsiyo aad u dhib badan oo cariiri iyo dhibaatooyin kale lagala kulmayo.

Dowladda Norway ayaa dhalashada kala noqotay kumanaan kale kuwaas oo dhawaan la soo celin doono sida uu sheegay Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo ka mid ah Golaha deegaanka Norway, waxayna Norway sheegtay in dadkaan ay baaraysay wax ka badan 10 sano Islamarkaana ay ka been sheegeen xogtooda gaar ahaan Gobalada Soomaaliya ay ka yimaadeyn, dhibaatada ka keentay iyo qoysaskooda.

Dhanka kale Dowladda Norway ayaa sheegtay inay baartay dadkaan magaalooyinka ay la xariiraan, meelaha ay lacagta u diraan iyo tirada qoysaskooda ay markii hore ka been sheegeen waxaana inta badan xogtaan laga helay Bartooda Facebook.