Daacish-ta Soomaaliya oo Ku goodisay inay weerari doonaan dadka aan haysan Diinta islaamka,Kaniisadaha iyo Suuqyada.

Muqaal lagu baahiyay Internetka ayaa loogu baaqay taagerayaasha Daacish IS inay bartilmaamaysadaan dadka aan haysan diinta islaamka, sidoo kalena la weeraro Kaniisadaha iyo suuqyada ganacsi.


Koox indha-indhaysa dhaq dhaqaaqyada Xagjiriinta ayaa sheegtay in kooxda Dowladda Islaamka la magic-baxday ee Dacish ay baahiyeen muqaalkaasi oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay ka soo muuqdeen Dagaalamayaasha Daacishta Soomaliya ah.

Kooxdaan Sirdoonka qaabilsan ayaa magaceeda la yiraahdaa Seit ayaa shaaca ka qaaday in muqaalkaan uu yahay mid fariin loogu diraayay taagerayaasha Daacish inay qaadaan weeraro xooggan iyagoo ka faa’ideysanaya inta lagu guda jiro maalmaha ciidaha Kirismiska.

Mareykanka ayaa bishii la soo dhafay waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn duqeyeen Maleeshiyaad IS ka tirsan oo ku sugnaa deganada Puntland oo saldhig u ah inkastoo laga digaayo inay tiradoodi sii korarto hadana badankooda ayaa la tilmaamayaa inay ka baxsanayaan Al-Shabaab.

Daacish waxay fadhiisin ka dhigteen baadiyaha waqooyiga Soomaaliya ee maamul ka Puntland uu ka arimiyo,Khuburada ayaa ka digaysa in tirada u dagaalanta Daacishta Soomaaliya ay sii kordhi karaan iyadoo kuwa ka dagaalamayay Syria iyo Iraq ay naftooda hada ka baxsanayaan howlgalka Mareykanka uu hogaaminayo ee laga wado labadaas dal.