Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta codka Kalsoonida u qaadaya Golaha Wasiirada Maamulkaasi

Waxaa saakay magaalada Jowhar ka furmay Kulan deg deg oo muhiim ah kaas ay yeelan doonaan Baarlamaanka Hirshabeelle waxaana la horgeyn doonaa Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Waare dhawaan soo dhisay.

Waxaa socda abaabulkii ugu dambeeyay ee Furitaanka Shirka waxaana lagu wadaa inay Baarlamaanka Hirshabeelle ay codka u qaadaan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada qaar ayaa shaagay inay u badan tahay in la meel mariyo Wasiirada Cusub.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo dhawaan la soo magacaabay ayaa waxaa ka dhashay muran badan, waxaana iska casilay Xilkii loo magacaabay 3 wasiir oo ka mid ahaa Xubnihii la magacaabay, Xildhibaanada qaar ayaa ka soo hor jeeda Wasiirada inkastoo ay u badan tahay in Codka la siiyo, kadib kulamo joogto ah oo habeenadii la soo dhaafay ka socday Jowhar.

Kalfdhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa codsaday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle uu furmi doonaa 5-ta Bisha 1-aad ee sanadka 2018 sidii horay loo sheegay, balse kulankaan ayaa mid gaar ah.