Baarlamaanka Hirshabeele oo kulankooda ay ku anssixin lahaayeen Golaha Wasiirada Maamulkaasi oo baaqday.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hirshabeelle ayaa sheegayo inuu kooram la’aan uu u baaqday Kulankii ay xildhibaanada maanta ku lahaayeen Jowhar, kulankaasi oo ahaa mid deg deg ah oo uu codsaday Madaxweynaha Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in kooram la’aan uu u baaqday Shirkii deg dega ahaa ee maanta ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Hirshabeelle magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi, iyadoo tirada soo xaadirtay ee Xildhibaanada lagu sheegay 44 mudane waxaana Kooramka uu ku furmi lahaa 51 Xildhibaan sida uu Guddoomiyaha u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in intoo badan ay ku sugan yihiin Jowhar, balse aysan kulanka xaadirin, waxayna sababta ku sheegeyn inuu ka maqan yahay Mushaarkooda 4-tii bil ee la soo dhaafay, isagoo Madaxweynaha Hirshabeelle uu balan qaaday 2-Bil oo kaliya arintaasina keentay in xildhibaanadu ka caga jiideen inay tagaan Kulankaasi.