Aqoonyahan Degan Dalka Mareeykanka oo loo Magacaabay Kaaliyaha Madaxweynaha Islamarkaana ah La-taliyaha Gaarka ah

Warqad ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federalkaee Soomaliya ayaa lagu Magacaabay Xusseen Abdikarim Ahmed Gendisch, inuu noqdo Kaaliyaha madaxweynaha islamarkaana ah la- talihiisa gaarka ah ee Madaxweynaha dowlada federaalka soomaliya, Xussein Cabdikarim ayaa mudo dheer ahaa saaxiib ku dhow madaxweynaha oo hore ula soo shaqeeyey tan iyo markii uu ahaa Rasial wasaararaha ahaa Somalia 2010-11. Waxaa lagu tiriyaa nin Qunyar socod aragti fog oo fikirkiisa la gaban soona bandhiga.

Waxaa la warinayaa inuu Xussein cabdikarim hore uga tirsanaa kaaliyeyaasha madaxweynaha ee markii uu jiray Loolankii Madaxweynenimo ee 2016 dibna ugu laabtay dalka Mareykanka, isagoo ogolaaday inuu marxalada siyaasadeeda kaqaato doorka kaga aadan, misna aqbalay inuu qeyb ka qaato waajibaadka dalkiisa

Taariikhdiisa oo kooban :
Xuseen Abdikarim Ahmed Gendisch Waxaa uu ku dhashay Golada dhexe ee soomalia waa aqoon yahan Bartay cilmiga dhaqaalaha/Siyaasada iyo maamulka ,. Waxaa uu wax ka bartay Jamaacada ummada soomaliyeed , waxaana uu ka Qalin jabiyey Kulayadii dhaqaalaha SNU Sanadkii 1986( Economics), Mogadishu , Somalia , Sidoo kale waxaa ka baratay cilmiga dhaqaalaha Jamacadaha Murray state University, KY, USA iyo Jaamacada North Carolina C. University, NC, USA, Waxaana uu bartay cilmiga maamulka dowlada ( Public Adminstration ) , Waxaa kale uu hore uga shaqeeyey , Wasaarada maaliyada ee soomaliya ee dowladii hore iyo Bankigii dhexe ee Soomaliya . Waxaa uu 22 sano ka shaqeeyanyey kambinyaasha loo yaqaan Furtune 500 ee Dalka mareeykanka, gaarahaan shirkada AT@T iyo Shirkada Verizon Corp oo uu hada ka yahay Maamule sare . Waxaa uu degan yahay, Raleigh, NC Gobolka North Carolina.
Waxaa la filayaa inuu maalmaha soo socda uu Soo gaaro, Magaalada Muqdisho, si uga bilaabo howlahiisa xafiiska madaxweynaha soomaliya ee villa somalia