Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa fariin Hanjabaad ah usoo direy Maamulka Somaliland.
Waxa ay sheegeen in ay gantaalo kusoo weerari doonaan Magaaladda Hargeysa iyo deeganadda kale gaar ahaan dekadda Magaaladda Berbera oo ay gacanta ku hayso Dowladda Imaaraadka Carabta.
Xuutiyiinta Dalka Yemen waxa ay sidoo kale sheegeen in ay weerari doonaan cid walba oo garab siisa isbahaysiga Sacuudiga uu hogaminayo.