Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Ku-Xigeenka Maamulaha Guud Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Maareeyahaha DMT Cabdirashid Faarax Axmed, Maareeyaha SOMTEL Mogadishu, Nuux Siciid Ducaale, Maareeyaha Guud ee Dahabshiil S&CS Xasan Cabdi Cawad, Maareeyaha SOMTEL (Hargeisa) Hassan Sheikh Mohamoud Suufi, Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Maareeyaha DBI Saeed Mohamed Ali “Garseef”, Ku-Xigeenka Maareyaha DMT Axmed Warsame Ducaale iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay Tacsi tiiraanya badan u dirayaan Qoyskii, eheladii, asxaabtii, dhammaan bahda Dahabshiil Group iyo qaranka uu ka baxay Marxuum XUSEEN MIRE JAAMAC, Wakiilkii shirkadda ee Degmada Badhan, Sanaag, oo xalay ku geeriyoodey magaalada Ceerigaabo.
Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, iyo asxaabtiisii.
Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka Eebbaheen Jannadii Fardowsa ku abaalmariyo, qabrigana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada.
Aamiin. Aamiin.