Qorshihii lagu xirayay Xerada Dhadhaab oo dib u dhacay

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in uu dib u dhaca kale ku imayo qorshihii lagu xirayay Xerada Dhadhaab ee Dhulka Soomaalida ee ay Kenya Maamusho ku taalla halkaas oo kumanaan Soomaali ah ay  degganyihiin.

Kulan ay ka qeyb galeen 100 Qof oo Soomaalida Itoobiya,Kenya,Jabuuti iyo Soomaliyaba ah ayaa lagu soo gaba gabeeyay dalka Jabuuti,waxaa sidoo kale ka qeybgelayay wakiillo ka kala socda Hay’adaha caalamiga ah waxaana looga hadlayay amniga Gobolka Geeska Afrika.

Shirkaas oo socday saddex maalmood ayaa la iskula soo qaaday fursadaha amni iyo xasilooni ee ka jira Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa.

Aqoonyahan,Siyaasiyeen iyo dadkii kale ee ka qeybgalaya ayaa sheegay in howlaha dib u celinta Qaxootiga Dhadhaab uu hakad ku jiro kaddib markii kuwii la celiyay qaarkood ay dib ugu laabteen isla dhadhaab.

Hay’adda WFP ayaa dhawaan sheegtay in la dhimay raashinkii la siin jiray Dadka ku jira Dhadhaab,iyada oo ku baaqday in markii hore la jaray 50% haddana ay qorsheynayaan in mar kale la dhimo.

Hay’adda ayaa ku doodeysa in lacagihii Caalamka ku bixin jiray Dhadhaab aan sidii la rabay loo helin waxaana ay ku baaqday in lacago kale loogu yabooho.