Maqaal: Maxaa Noo Dana? W/Q: Axmed Alasso

MAXAA NOO DANA ?

Waxaa habboon in la xasuusto lana xuso xikmadi Talyaaniga ee ahayd OGNI POPOLO HA IL SUO GOVERNO oo micnaheedu yahay ”SHACAB KASTA DOWLIDDISUU HELAA” waayoo dadka talada qabanaaya waa kuwo ka tirsan isla shacabkla meesha wada deggan.Waxaa nahay ummad ay wax walba iskaga khaldameen oon klala aqaanin wixi saxa ahaa iyo wixi khaldan. Dagaal oogayaashi dalkaan soo burburiy qaar naga mida ayaa weli u aqoonsan ZUCAMAA iyo halyeeyo ammaan mudan oo weliba la xasuusan doono muddo dheer.

Kuwa maanta hogaanka haya iyo kuwa u hanqal taagaya waxba isma dhaamaan waxayse is-dheer yihiin af-tirtirasho markey xaaraanti xalaashadeen, waxay moodaan inay xaaraantu ku xalaalowdo baahida.. Waryaa u sheega in baahida ku heysa aysan marna xaaraan xalaal ka dhigeynin, oon marna lagaa aqbali doonin, maalinta lays xisaabin doono, hebelba waa cumaa ee maxaa aniga ii diiday.

Siyaasigi loo xiray dembiga KHAINUL WADAN ( high treason) waxaa u soo baxay dad badan oo u ololeynaya una arka in loo gefay una baahan yahay in l oo gurmado lana taakuleeyo, waayoo eedaha loo heysto waxaa la wadaaga Madax Goboleedyada oo qaarkood ku faana inay laaluush soo qaateen iyagoo u daneynaaya dadkooda ama jufadooda oo laga yaabo inaysan weligood waxba laga siin malaayiinta ay soo qaateen Madaxweynayaasha gobolada kuwaasoo xarumaha ay ka taliyaan qaarkood bnaahi loogu dhimanaayo.

Waxaa dhabowday maasadi abwaan FAARAX SEEFeEY, Allaha u Naxariistee,markow yiri TALLAABADIINA AAN DAYEE MAR TUUGO WAA IDIIN TALEE ..Wuxuu ahaa ruux taxliiliya siyaqasadda Somaliya oo weliba saadaaliya sidey wax naqan doonaan..waxaa maanta noo muuqda in dadka talada ku hardamaaya ay yihiin kuwi uu tilmaamay Faarax Seefeeey oo weliba inta is-aruursaday ku howlan sidii ay u dumin lahaayeen dowladda ka jirta iyagoo u adeegaya dano shisheye. Dadweynaha Soomaaliyeed waa inay mucaaradkan is-abaabulaya ay ka hortagaan una sheegaan in fiktadahooda aan la qaadan karin, waayoo wax ummadda u dan ah marna kama hadlaan, waxayna isku shuqlaan wax iyaga ay dano gaar ah ku fushadaan.

Siyaasiga ay diirado saran tahay Ina C/Shakuur oo lagu eedeeyay muaa’amaro dowlad iyo qaran dumis kaddib markii ay ku caddaatay inuu lacago laaluush ah ka soo qaatay wadamada Khaliijka oo loogu tala galay in barlamaanka loogu qaybiyo si ay Farmaajo uga keenaan mooshin looga qaado jagada Madaxweyne taasoo dhibaato weyn ku heysa labada dowladood ee khaliijka qasaaya Somaliyaana aan wax dan ah u heynin.

C/Shakuur dembiga lagu eedeeyay waa ku cad yahay waana qiraal uu isago afkiisa ka sheegay, waxaase nasiib darro ah in Xeer Ilaaliyaha ay ka khaldantay wadadi loo mari lahaa xarigiisa isaga iyo labadi xilshibaan uu horey u magacaabay Xeer Illaliyuhu.

Cabdiraxmaan wuxuu ku eedeeyay dowladda in lagu soo duulay oo dhibaato weyn loo geystay, dad aan dembi lahayn ay ku dhinteen, laakin wuxuu illaabay in duullaanka uu asagu soo billaabay kaddib markuu dalka u yimid in dowaladda ka talisa la maja xaabiyo, dadkana lagala dagaalo inay nabad ku noolaadaan..waana tallaabo u adeegeysa dano shisheeye siiba kuwa khaliijka oo siku heysta arrimo aysan Somalidu wax shaqo ah ku lahayn..waxay dantoodu tahay dalalkaas inay Somaliya marna cagaheeda ku istaagto waxayna adeegsanayaan shakhsiyaad la wada yaqanno oon wax damiir ah lahayn. Cabdiraxmaan waxaa hubaal ah inuusan u imaanin fulinta dano dadeka u adeegaya balse u yimid inuu asagu adeegto isagoo kaashanaya kooxda maalmahaan is-aruursanaysa danaha ay leeyihiina dadka badankoodu waa garteen lana arki doonee mahey la gaarto!!!

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay u muuqataa mid aan fahmin eedaha loo hetso ninkaan iyo kuwa la mida waana dembi aad u culus oo ah QASWADEDEYAAL AY WAAJIB TAHAY IN DALKA LAGA QABTO INTEY GOORI GOOR TAHAY. Cabdiraxmaan wuxuu gaaray heer uu isagu wax handado taasna waxaa sabab u ah Maxkamadda oon garan dembiga loo heyso inta culueyskiisu yahay wuxuuna qab-qable u yahay QASWADAYAASHA ku soo duulay dalkaan loona baahan yahay in deg-deg wax looga qabto.

Dowladu waa inay isku kalsoonaato waayoo qabiil iyo jufo ka horimaan karta inaysan jirin haddey isku kalsooni iyo daacadnimo muujiso waayoo ummadda oo dhan ayaa dowladda taageereysa wax kastana diyaar la ah!!!


Axmad Calasow