Ilaa intee Sharciga la waafajiyay soo xiristii iyo siideyntii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ?

Marka la fiiriyo sida uu u dhacay kiiska loo heystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, laga bilaabo soo qabashada ilaa go’aanka maxkamadda waxaa muuqanayo gafaf kala gedisan oo dhinaca sharciga ah, hadii alle idmo waxaan qormadan ku iftiimindoonaa gafafka dhinaca sharciga ah ee kiiskaas anigga oo ka eegi doono arintan 4 dhinac oo ah kuwa hoos ku qoran:

Sharci ahaanshaha Hanaanka soo xirista Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Waa maxay qodobada sharci ee loo gafay Horgeyntii 1aad ?
Habiinimadii 21aad ee C/raxmaan la siidaayay Maxaa sharci ahaan loo gafay?
Sidee u dhacday Horgeyntii 2aad ?
Sharci ahaanshaha Hanaanka soo xirista Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Ugu horreyntii mabda’a Guud waxa uu yahay in Qofka marka lasoo Xirayo ama Xuriyadda Laga qaadayo loo baahan yahay in la heysto Amar soo qabasho oo ka soobaxay maxkamadda awoodda u leh , hadii aysan jirin xaaladaha ku xusan Qod. 38 aad35aad, 36aad, 50aad ee XHC oo kala ah, Iney jirto Xaalad dag dag ah lana hayo caddeymo ku filan in qufka la xirayo uu galay dambi ciqaabtiisu culustahay isla markaana aan laheli Karin amar maxkamadeed oo lagu soo xirayo qufkaas iyo in laga cabsi qabo inuu fakado ruuxaas hadii aan si dag dag ah loo xirin.

Habada qof kasta oo laxirayo ayada oo aan laheysan Amar Maxkamadeed waxaa lama huraan ah in ciddii soo xirtay ay caddeyso jiritaanka shuruudaha aan soo sheegnay, taasoo Micnaheedu yahay in si cad loo caddeeyo iney jirtay xaalad dag dag ah iyo caddeymo macquul ah oo tilmaamayo in shaqsiga xuriyadda laga qaaday uu galay danbi culus, isla markaasna uu fakan lahaa hadii aan isla markaa la xirin, mana muuqato in arintaas ay jirtay ama la caddeyay.

Waxaa kaloo xusid mudan iney gaf cad ahayd gelida Hooyga Cabdiraxmaan iyo Xiliga lagalay , qod. 19aad ee DJFS waxa uu mamnuucayaa gelista, baarista iyo basaasida hooy uu si gaar ah u leeyahay Shaqsi hadii aan loo heysan amar maxkamadeed oo sababeeysan, Sidoo kale waxaa tilmaan mudan in soo qabasho iyo baarisba aan laga fulin Karin hooy ladagan yahay laga bilaabo 6:00Pm ilaa 7:00AM, fiiri Qod. 44aad iyo 56aad ee XHCS hasa yeeshee waxaa jira xaalado gaar ah oo labaneeyay in guriga Qufka la baari karo ayadoo aan loo heeysan amar maxkamadeed sida marka ay suurtoowdo in labaabi’iyo ama la tirtiro walxaha marag muujinta iyo marka laga cabsi qabo inuu baxsado ruuxa labaadi goobayo. Fiiri Qod. 58aad ee XHCS,sharci ahaan ma banana in shaqsi hooygiisa lagalo ama la baaro ayada oo aan laheysan amar maxkamadeed oo sababeysan si waafaqsan qodobka 30, 31, 58XHC, hadii aan si cad loo caddeyn Karin labada shardi ee aan soo tilmaannay, waxaa iska cad in aan lahelin mid ka mid ah laba shardi ee sare ku xusan.

Waa maxay qodobada sharci ee loo gafay Horgeyntii 1aad?

Waa maxay Horgeyn?

Horgeyn waa marka ugu horeysa ee la horgeeyo qofka lagu soo xiray amar qabasho ama amar qabasho la’aantiis garsoore kamid ah Maxkamadda awoodda u leh.

Sida uu qabo qod.35aad ee DJFS iyo 39aad ee XHC , cid kasta oo la soo qabtaa ayada oo aan laheysan amar maxkamadeed waxaa waajib ah in lagu horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh mudo 48saac gudahood ah , waxaana loo baahan yahay in sargaal Boolis ah uu garsooraha horkeeno edeeysanaha asagoo wado warbixin kooban oo iftiimineeysa arimaha hoos ku qoran:

Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha Xariga.
Caddeymaha la helay oo faah- Faahsan
Faah- faahinta Astaamaha Guud ee Qufka la xiray
Dhinaca Dhibanaha .
Marqaatiyaasha ama dadka wax ka og Faldanbiyeedka dhacay.
Garsooraha marka la horgeeyo qofka la soo xiray, ha lagu soo qabto amar qabasho 45/XHC ama amar qabasho la’aantiis 39/XHC waxaa waajib ku ah in uu qaado tallaabooyinka ku xusan qodobada 32/XHC iyo 39/XHC, isaga oo ku horeynaya tallaabooyinka ku xusan qodobka 32/XHC oo ah in uu xaqiijiyo:

In la ilaaliyay lana raacay hanaanka soo xirista ee sharcigu uu jideynayo iyo in kale
Inuu jiro daahid aan caqli gal aheyn oo lagala daahay in garsooraha hortiisa lagu keeno 48saac Gudahood iyo in kale
Hadii ay u soo baxdo wax xadgudub ah ama gaf loo geystay sharciga iyo hanaanka soo xirista waxaa waajib ku ah garsooruha inuu qaado tilaab oo uu amaro in cidda xadgudubka geysatay lagu oogo dacwad ciqaab ah hadii uu xadgudubku yahay fal dambiyeed ku xusan xeerka ciqaabta hadii kalane uu amaro in tilaabo anshax marin ah laga qaado cidda mas’uulka ka ah xadgudubkaas.

Sidoo kale garsooruhu markuu darso warbixinta Booliska waxaa u furan sadax arimood mid kood:

Inuu Go’aamiyo in eedeeysanaha aan dacwada lagu oogi Karin si waafaqsan 77 ee XHCS.
haddii dambiga uusan ahayn mid ay tahay in la soo saaro amar qabasho waajib 42/XHC ama ikhtiyaari ah 43/XHC amaba qabashadu aysan waafaqsanayn qodobada 35, 36, 38, 50 XHC in si degdeg ah loo siidaayo eedeysanaha.
inuu amro in xabsi ku meel gaar ah loo diro eedeeysanaha 46/XHC, haddii aanu u arkin in damaanad lagu siidaayo 59-60/XHC.

Waa maxay Gafafka la galay horgeyntii 1aad?

Kuwan waa gafafka sharci ee horgyentii 1aad:

Garsooruhu kama hadlin waxbana kama soo qaadin dilkii dhacay intii lagu guda jiray soo qabashadii eedeeysanaha, arintaas oo ahayd in Garsooruhu uu u eego si waafaqsan Qod. 32aad XHCS, una qaado talaabooyinka ku xusan qodobkaas.

Garsooruhu waxa uu siiyay 24saac in xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku sameeyo baaris dheeri ah, arintaas oo aan ka mid ahayn sadaxdii tilaabood ee garsooraha u furneed ee aan horay u soo tilmaanay.
Cidda maxkamadda horkeentay eedeeysanaha waxa ay ahayd Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Saraakiil ka tirsan NISA arintaasna waxa ay khilaafsan tahay sharciga gaar ahaan 39 aad XHCS oo sheegayo in cidda sameyneysa horgeynta ay tahay Sargaal booli ah.

Gafafka Sharci ee lagalay Habeenkii 21aad ee la siidaayay C/raxmaan

Waxaa lagu siidaayay habeenkaas warqad lagu sheegay damaanad oo uu xeer- Ilaaliyaha Guud damaanad ku siiyay C/raxmaan, damaannadaas oo ay qaadeen dadka kala ah Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo labo Madaxweyne Goboleed, Iyadoo lawada ogyahay in Qodobada uu ku eedeeysnaa Cabdiraxmaan uu ka mid ahaa 184 ee XCS oo ciqaabtiisu ay tahay Dil.

Qaladaadka sharci ee Habeenkaa Dhacay waxaa ugu waaweeyn :

In Xeer Ilaaliyaha Guud uu Bixiyo damaanad, arintaas oo khilaafsan Qod. 60aad ee XHCS oo awoodaas siinayo Garsoore oo kaliya
Sidoo kale Qodobada loo heystay Cabdiraxmaan oo aan laheyn damaanad. Fiiri Faqrada 3aad 59aad XHC.
Horgeyntii 2aad maxaa loo gafay?

Horgeyntii 2aad waxay dhacday maalintii 21aad, waxaa loo baahnaa sida uu qabo qodobka 39aad ee XHCS in sargaalka boolis uu garsooraha horgeeyo eedaysanaha iyo warbixin kooban oo ay ka muuqdaan arimahan:

Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha Xariga.
Caddeeymaha la helay oo faah- Faahsan
Faah- faahinta Astaamaha Guud ee Qofka la xiray

Dhinaca Dhibanaha

Marqaatiyaasha ama dadka wax ka og Faldanbiyeedka dhacay
Garsooraha waxay aheyd in uu hubiyo arimahan iyo in uu jiro xadgubyo ah kuwa ku xusan qodobka 32aad ee XHCS, kadibne uu eedaysanaha siidaayo ama xibsi KMG udiro, heyeeshee ayaga oo dhinacyada iyo maxkamaddube ay isku waafaqsan yihiin in marxalada la joogaa ay tahay horgeyn ayaa waxaa arintu u dhacday sida dacwad la dhageysanayo oo dood afeed dheer maxkamadda horteeda ka dhacday Ayada oo loo baahnaa in lagu akaado talaabooyinka ku xusan qodobada 32, 39/3 XHC, dood afeedkii maxkamadda horteeda ka dhacdayne ay khilaafsanayd qodobka 39/6/XHC, oo sheegaya in aan wax su’aal ah la waydiin karin qofka la soo qabtay haddii aanu isaga dalban in uu maxkamadda la hadlo, su’aaluhuna ay ku koobnaadaan kaliya waxii la xiriira warka uu sheegay.

Dabeecada iyo nooca go,aanka maxkamadda marxaladda horgeynta

Go,aannada la soo saaro inta lagu jiro marxaladda horgeynta waxaa loo qeybin karaa 3 nooc oo kala ah:

Go,aan in aan eedaysanaha lagu oogi Karin dacwad ciqaab ah oo u dhigmo xukun si waafaqsan qodobka 77aad ee XHCS, go, aankan racfaan ayaa ka furan hadii uusan ku soobixin darafka uu lidka ku yahay si uu raali kayahay ama tala gelintiisa, Si waafaqsan qodobka 208/4/B-C/XHC, oo sheegayo in aan laga qaadan karin rafcaan haddii dhinaca go’aanka lidka ku yahay uu ogolaanshihiisa ama codsigiisa ku soo baxay, si lamid ah Xeer-Ilaaliyuhuna aysan u furnayn rafcaan haddii aanu wax diidma ah kamuujin markii lagu dhawaaqay go’aanka.
Go,aan eedaysanaha lagu siidaayay sababo laxiirra hanaankii soo xirista oo aan la dhowrin, go,aanka noocani ah wax racfaan ah kama furana laakin dambi oogaha waxaa ufuran in uu isla dambigaas soo oogo hadii uu saxo hanaanka soo xirista.
In uu eedeysanaha u diro xabsi kumeel gaar ah 46/XHC, haddii uusan u arkin in uu damaanad ku siidaayo eedeysanaha 59-60/XHC.

Gabagabo

Kuwan waa gafafka ugu muhimsan ee ka muuqday kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, ayada oo ujeeddada qormadani tahay oo kaliya in la iftiimiyo qaladdadkaas sharci si aanay markale u soo laaban iyo in dadwaynuhu ay u fahmaan sida sharcigu yahay iyo sida wax u dhaceen in ay is leedahay ama ay kala duwantahay.

Waxaa Diyaariyey: Dr. Daahir Maxamed Cali