Amiirka Sacuudiga oo ku qalqaaliyay madaxweynaha Falastiin inuu aqbalo qorsho nabadeedka Mareykanku soo bandhigay

Saraakiil ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Amiirka dhaxal sugaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya  Mohammad bin Salman uu isku dayay in uu ka dhaadhiciyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas inuu ogolaado qorshe nabadeed ee Bariga Dhexe oo Maraykanku  soo bandhigay .

Abbas ayaa wadahadal kula yeeshay Boqor Salman bin Cabdulcasiis Al Sacuud iyo amiirka dhaxal sugaha magaalada Riyadh horaantii todobaadkan.

Kulanka ayaa yimid maalmo kadib markii Abbas uu si rasmi ah u caddeeyey in Falastiiniyiintu aysan mar danbe aqbali doonin Maraykanka in uu dhexdhexaadiyo si loo xalliyo khilaafka Falastiin iyo Israil oo mudo dheer socday.

Abbas ayaa ka sheegay  shirkii-Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee magaalada Turkiga ee Istanbul bishii December 13 “in aysan aqbali doonnin kaalin kasta oo Maraykanku ku leeyahay geeddi-socodka siyaasadda wixi hadda ka dambeeya , sababtoo ah waxay u xagliyeen Israel,” .

Ku dhawaaqista Madaxweyne Cabas ayaa daba socotay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump markii uu u  aqoonsaday al-Qudus “caasimadda” Israel iyo qorshihiisa ah in uu u wareejiyo safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv magaalada Qudus.

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ee ka war hayay kulanka Abbas iyo bin Salman oo u waramay wargeyska Middle East Eye ayaa sheegay in amiirka uu ku murmay in “Maraykanku” u yahay “ciyaaryahanka  keliya ee arinta ku saabsan geeddi-socodka nabadda wax ka qaban kara.

“Maraykanku waa kan kaliya ee saameyn dhab ah ku leh Israel, waa waddanka kaliya ee cadaadiska ku saari kara Israa’iil in ay ku jiraan geedi socod kasta oo nabdoon, cidina ma samayn karto taasi, ha ahaato Midowga Yurub , Ruushka ama Shiinaha”  ayuu ku yiri Amiirka Sacuudiga madaxweynaha Falastiiniyiinta sida ay sheegeen masuuliyiinta.