Sarkaal ka tirsan Shabaab oo Helicopter looga dejiyay Baydhabo

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa gelinkii dambe ee maanta ka degtay Helicopter siday Sarkaal Shabaab ka soo goostay, kaasi oo Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed ay ka soo kaxeeyeen degaan ka tirsan Gobolka Baay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdulle Isaaq ayaa ka mid ahaa saraakiishii Baydhabo ka soo dejisay wadaadkan Shabaab ka tirsanaa.

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale magaalada Baydhabo galbis ahaan ku keenay Gaari Cabdi Bille ah oo uu leeyahay sarkaalkan iyo Darawalkii kaxeynayay.

Weli Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ma aysan ogaan magaca sarkaalkan la soo qabtay oo dhameystiran iyo faah faahinada kale ee la xiriira soo qabashada sarkaalkan.

Dagaalyahano horleh oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maalintii Jimcaha aheyd iska dhiibay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.

Hadii aan dib u milicsano sidoo kale Khamiistii magaalada Baydhabo waxaa iska dhiibay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan iyo 5 ilaalo u aheyd, sida uu Risaala u sheegay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Tan iyo markii degaanada Koonfur Galbeed uu gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa jirtay in ay isa soo dhiibayeen xubnaha Shabaab ka tirsan ee sida dhuumaaleysiga ah ku jooga magaalada Baydhabo, kuwaasi oo warar soo baxayay ay sheegayaan in Roobow uu ku cadaadinayay in ay isa soo dhiibaan.