Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha C.X.D.oo Lagu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 27-aad,waxaana loo Magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin (Koronto} oo horay u ahaa Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lagu Magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin(Koronto)

Dhanka kale Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ah qeyb Cusub,waxaana ay ka Hirgeli doontaa Degaanada Dowlad Gobolleedka Hirshabelle.