Madaafiic ku Dhacday Meel aan ka Fogeeyn Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho

Ilaa 3 Madfac oo loo yaqaano nooca Hoobiyaha ah ayaa ku soo dhacday meel aan ka fogeeyn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaafiicdaan oo aan la ogeeyn halka laga soo tuuray ayaa maqalkeeda aad looga maqlayay qeeybaha kala duwan ee Muqdisho.

Hoobiyaashaan ayaa ku dhacay meelo aan sidaasi uga fogeeyn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

ilaa hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyaashaasi.

durba ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa howlgalo ka bilaabay qeeybo kamid ah Muqdisho iyada oo baadi goobaya kooxihii soo tuuray weeraradaasi.

Dadka Falanqeeya Amniga ayaa sheegaya in ay tahay fashil dhanka amniga ee heeysta dowlada in iyada oo Duhur ah hoobiyaal lagu weeraro xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.