Dowladda Talyaaniga oo ogolaatay in Tahriibayaal gaaraya ilaa 162-ruux magangelyo siiso.

Dowladda Talyaaniga ayaa markii u horasay qaabishay 162 Muhaajiriin ah oo lagu soo qaaday laba Diyaaradood nooca Ciidamada ah oo ay leeyihiin Ciidamada Taliyaaniga, kuwaasi oo si toos ah looga soo qaaday caasimadda liibya ee Tripoli.


TV-ga Dowladda Liibya ayaa sheegay in mid ka mid ah labada diyaaradood ay saarnaayeen 108 muhaajiriin, halka midda kale ay saarnaayeen 54 muhaajiriin ah, waxaana soo dhaweyntooda ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Taliyaaniga Marko Minniti iyo masuul ka socday Hey,adda Qaxootiga Aduunka UNHCR oo lagu magacaabo Vincent Cochtel.

Shir jaraaid uu ku qabtay dalka Taliyaaniga Mr. Marco Minniti waxa uu sheegay in tani ay tahay mid bilow ah,isagoo xusay inay sii wadi doonaa howlaha gurmadka, lana kaashanaya Hey,adda Arrimaha Qaxootiga Aduunka.

Vincent Cochtel ayaa dhankiisa sheegay in howshan ay tahay tii ugu horreysay oo ay hey’adda qaxootiga ku guuleysato, taasi oo ah inay si toos ah Wadanka Libya kaga soo daabusho muhaajiriin danyar oo ay dhibaato ka muuqato.

Dhanka kale muhaajiriintani laga soo qaaday Dalka Libya ayaa ka soo kala jeeda Dalalka Eritrea, Ethopia, Somalia iyo Yemen, waxayna dhammaantood codsiyo magangalyo bani’aadinimo waydiisteen Dowladda Taliyaaniga.