Burcadbadeed Ku Xiran Seychelles Oo Wajahaya Xukun Garaaya 30-Sano

Lix ka mid ah Burcadbadeeda Soomaalida ee ku xiran Seychelles ayaa wajahaya in lagu xukumo 30-Sano oo Xabsi ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Seychelles ayaa sheegay in Lixdaani Nin looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcadbadeeda, kuwaas oo Ciidamada Midowga Yurub ay ka soo qabteen Xeebaha Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay Xeer Ilaaliyuhu in Raggani ay muteysan doonaan Xukun gaaraya 30-Sano, haddii lagu helo Dambigaasi.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Dambigani ay adag tahay in Cadeymo buuxda loo helo, maadaama ay Raggani falka ka geysteen gudaha Badda Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa ka soo qabtay 6-dani Nin Xeebaha Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyay Seychelles, halkaasi oo lagu Maxkamadeynayo, sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in ay suuragal tahay in Xukunka Raggani kadib ay ku soo wareejiyaan Dowladda Soomaaliya, si halkan ugu dhameystaan Xukunkooda.

Seychelles ayaa qeyb ka ah howlgalka lagula dagaalamayo Burcadbadeeda, tan iyo Sanadii 2005-tii.