Maamulka Puntland oo Ciidamo badan geeyay Buuraha Galgala.

Wararka Naga Soo gaaraya Buuraha Galgala ayaa Sheegaya in Maanta Puntland ay Ciidamadii badnaa u dirtay Buurahaasi oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacisha oo Dhowr jeer weeraro ka gaystay degaano ka tirsan Puntland.

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan puntland ayaasababta ay u tageen halkaasi ayaa lagu sheegay inay Tahay sidii ay ugu hortagi lahaayeen Digniino maalmahan ay jeedinayeen hay’ada Amaanka Puntland, kaasi oo ku aadan in laga cabsi qabo in weeraro ay ka fuliyeen degaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland.

 

Ciidamada Puntland ee tagay Buuraha gobolka Bari ayaa ku hubeysan gaadiid aan tiradooda  la sheegay  ayaa ka kala baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kuwaasi oo ku sii jeeda aaga Buurta Galgala oo maalmihii la soo dhaafay ayay weeraro ay Shabaab iyo Daacisha ay ku soo qaadayaan ciidamadii horey fariisimaha ugu lahaa Buurta Galgala.

 

Saraakiisha Puntland ayaa Sheegtay in dagaal culus ay ku qaadi doonaan Shabaabka iyo Daacishka ku sugan buurahaasi, Maadaama ay Sheegeen in Cabsi ay soo wajahday Shacabka ku nool magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

 

Dhanka kale kal hore ayay aheyd markii madaxda Mamaulka Puntland ay Sheegeen In Shabaab badan ay tageen  in Buuraha Galgala, kadib markii ay ka soo barakaceen koofurta Soomaaliya, taasi oo sabab u ah duqeymaha ay fulinayaan Diyaaradaha Mareykanka.