KOOXDA JUBALAND OO KU GUULEYSATAY KOOBKA K/CAGTA EE MAAMUL-GOBOLEEDYADA

Kooxda Kubadda Cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Koobka Maamul-goboleedyada dalka, kaddib markii ay 1-0 ku suul-daareen Kooxdii ka socotay maamulka Puntland.

Cayaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa qaybteedii hore waxay labada koox ku kala naxeen 0-0 gool la’aan ah, iyadoo markii la isugu soo laabtay Qaybtii labaad ee cayaarta ay kooxdii ka socotay Jubbaland u suuro-gashay inay gool dhaliyaan, kaasoo noqday midkii ay guushu ku raacday.

Goolka ay ku adkaatay kooxda maamulka Jubbaland ka socotay ayaa waxaa u dhaliyay laacibkooda Weerarka uga cayaara ee Yoosin C/raxmaan Maxamed.

Inkastoo labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaag, ayaa haddana kooxda Jubbaland waxay u noqotay maalin guul ah, iyadoo Kooxda Puntland oo sannadkii hore koobkan ka qaaday Jubbaland, iyadana maanta Koobkii ay difaacanaysay laga qaaday.