Howlgal dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Shabeelaha Hoose

Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Gaashaanle Maxamed Cumar Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed howlgal ay Ciidamada dowladdu ku qaadeen Saldhigyo Al Shabaab ku leeyihiin Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo qab qabtay tiro dagaalyahanno Al Shabaab ka tirsan.

Waxa uu sheegay Sarkaalkani in howlgalkaan oo laga sameeyay deegaanno ku dhow dhow garoonka Bali doogle ay ku dileen tiro dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab halka 3 kale ay gacanta ku soo dhigeen sida uu yiri.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii weerar Jid gal ah shalay Al Shabaab ay ku qaadeen Kolonyo Ciidamada dowladda ay la socdeen oo ka soo ambabaxay Garoonka Balidoogle kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa la sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya looga gubay mid ka mid ah Gaadiidkooda Dagaal.