Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay Gantaal Xuutiyiinta Yeman ay ku rideen Sacuudiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibada ee Xukuumada Somalia ayaa looga hadlay Gantaal ay xuutiyiinta Yemen talaadadii aynu soo dhaafnay ku rideen Magaalada Riyaad ee dalka sacuudiga.

War saxaafadeedka wasaarada Arimaha dibadda Somalia ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Gantaalka ahaa ee ay xuutiyiinta ku rideen magaalada Riyad,waxaana lagu sheegay in dowlada Somalia ay canbareyneyso falkaasi ay ku kaceen xuutiyiinta.

 

“Waa mid muujineysa in xutiyiintu wadan carqaladeyn dhanica ammaanka iyo nabad gelyada ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

 

Dhanka kale Gantaalkaasi ayaa lagu qarxiyay Hawada isaga oo aan wax khasaro ah geysan, balse bartilmaamlmeedka ayaa ahaa madaxtoyada Riyad, wuxuuna warkaan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya mid ay ugu muujineyso Sacuudiga inay garab tagan yihiin.