Dagaal kulul oo dhexmaray Al-Shabaab iyo dadka degaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya degaanka Buq-aqable ee gobalka hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dadka degaankaas oo xoolo dhaqato ah.

 

Dagaalkan ayaa yimid markii dadka deegaankaasi ay diideen codsi uga yimid   Al-Shabaab ee ahaa inay bixiyaan xoolo iyo dhalinyaro si ay ugu qeyb geliyaan dagaalka ay kula jiraan Dowlada Soomaaliya,inkastoo dadkaaasi arintan ay ka soo horjeesteen.

 

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay dadka deegaanka looga dilay 2-qof ,iyadoo Al-Shabaab uu soo gaaray dhankooda khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,kadib markii dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay degaanka Buq-aqable.

 

Saraakiisha Ammaanka gobalka Hiiraan oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in Dagaalkii dhexmaray dadka Degaanka iyo Al-Shabaab uu ahaa mid ah aad u xooggan,islamarkaana mudo saacado ah uu ka soconayay degaankaasi.

 

Dhanka kale deegaanka Buqa-qable ayaa qiyaastii wuxuu 90-KM dhanka Galbeed kaga beegan Tahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.