Xeer-ilaalinta Somalia “Go’aanka Maxkamadda G/Banaadir ay ku sii daysay C/Raxmaan C/Shakuur waa mid Sharci daro ah..”

Waxaa gorrdhow saxaafadda la hadlay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir wuxuuna sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku sii daysay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ay soo qabtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwad oogayaasha ay Racfaan qaateen, islamarkaana Maxkamadda isku ogaayeen ha yeeshee uu go’aanka Maxkamadda ka dambeeyay taasna aysan aqbali doonin.

Dhanka kale Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in xeer ilaalinta ay ku fashilantay inay keento caddeymo ku filan dacwadda Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxayna si buuxda u fasaxday siyaasiga iyada oo sheegtay inuusan jirin racfaan laga qaadan karo xukunka siyaasiga, iyadoo markaan la sugaayo inuu Dacwad furto Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur warsame iyo Taageerayaashiisa.