Deg Deg:Maxkamadda G/Banaadir oo shaacisay in wax dambi ah lagu waayay Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur.

Waxaa goor-dhaw la soo gaba gabeeyay dhageysiga Dacawadii ka socotay Maxkamadda gobalka Banaadir oo maanta cadeymihii ay soo aruuriyeen looga dhageestay Dacwad oogayaasha C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay Dowladda Soomaaliya ku weerartay Gurigiisa 17-kii bishaan.

Aways Sheekh C/llaahi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir oo wariyiyaasha la hadlay ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay ku guul dareysteen inay keenaan warqadihii lagu amray soo qabashada Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur, Islamarkaana waxay keeni waayeen cadeymihii kale ee looga baahnaa, sidaas darteed waxay maxkamadda amartay in la sii daayo C/raxmaan oo si damaanad ah Xalay lagu soo daayay.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inaysan racfaan qaadan karin Xeer ilaalinta Soomaaliya ee Dacwada ku soo oogay C/raxmaan C/shakuur Warsame.