Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo dagaal ku dilay Maxaabiis Al-Shabaab ka tirsanaa

Wararka a imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandoska ee Danab ayaa guulo ka sheegtay Dagaal ay la galeen ururka Al-Shabaab, kaasi oo aroorinimadii hore ee saakay ka dhacay deegaan u dhow Alifow oo hoos yimaada degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalkan ayaa ka bilowday markii Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay weerar dhabgal ah ah ku qaadeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo xilligaasi galbinayay Maxabiis ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Danab ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay laba Maxabuus oo horay ay gacanta ugu hayeen Ciidamada, kadib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan gacanta Ciidamada, intii uu dagaalka socday.

Maxaabiista ay ciidamada dileen ayaa waxay kala ahaayeen magacyadooda: Kalar Maadow Caliyow oo Al-Shabaab u ahaa Sarkaalka Qaraxyada Sh/Hoose halka midka kalana lagu magacaabi jiray C/laahi Xasan wuxuuna ahaa La taliyaha Sarkaalka Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose.

Afhayeenka u hadlay Kumaandoska Soomaaliya ayaa beeniyay in Al-Shabaab ay la wareegeen Gadiid Dagaal oo ay Ciidamada lahaayeen, waxayna Saraakiisha sheegeen in arrintaasi ay tahay mid Been abuur ah, oo sal iyo raad midna aanan lahayn.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gubeen gaadiidkii ay wateen ciidamadaasi, kadib markii ay qabsadeen, sida laga baahiyay Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ee Andalus, waxayna sidoo kale sheegeen inay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ay gaarsiiyeen ciidamadii halkaasi marayay, balse ma cadayn tirada ciidamada ay dileen iyo kuwa ay sheegeen inay dhaawaceen.