Ciidamada Kenya oo galay Iskuul Mombasa ku yaal,islamarkaana xir xiray ku dhowaad 100 ardey

Wararka ka imaanaya Mgaalada Mombasa ayaa sheegaya in Booliska Kenya iyo ciidammo dalal kale ka socda ay galeen Iskuul ku yaala magaaladaasi, iyadoo ciidamada ay xireen ku dhowaad 100 arday.

Saxaafadda gudaha ee Kenya ayaa soo xigtay Boolis sheegaya in weerarka uu qeyb ka yahay la dagaallanka argagixisada, waxaana Howlgalkaas la fuliyay Talaadadii waxaa qeyb ka ahaa Booliska Kenya, ciidamada FBI-da Mareykanka iyo kuwa UK ee Scotland Yard.

Booliska Kenya ay ka gaabsaday inay arrinta ka hadlaan, hadana hoggaamiyayaasha culimada iyo goob joogayaal ayaa sheegay in afar macallim iyo ku dhowaad 100 ardey ay yihiin kuwa la xiray.

Wargeyska The Star ayaa sheegay in ciidamada ay haysteen warar sir ah oo sheegaya in madarasadaas Caruurta Xag-Jirnimo lagu barayay.

Dhankakale Sheekh Xasan Cumar oo ka mid ah mas’uuliyiinta golaha iimaamyada ayaa sheegay in Been ay tahay eedaha la xiriiro in Madarasadaas ay ku sugnaayeen dad ka mid ahaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka, oo ka soo noqday Suuriya.