C/raxmaan C/shakuur ”Waxaa soo dhamaaday qeybtii 1-aad ee Maxkamadda qeybta 2-aad ayaa bilaabanaysa”

Ku dhawaad 5 maalmood oo uu xabsi ku jiray C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta markii ugu horaysay ka soo muuqday warbaahinta wuxuuna ka hadlay arrimo xasaasi ah,kadib markii ay go’aamisay Maxkamadda in aanu wax dambi ah lahayn, dibna loogu soo celiyay xoriyaddiisa.


C/Raxamaan C/Shakuur ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa uu ahaa gardaro iyo dulmi, laguna laayay dhalinyaro u shaqeyneysay, hantidiisana lagu bur buriyay, isla markaana ay dhamaatay qeybtii hore ee dacwada, ayna jirto qeybta labaad ee dacwada sida uu sheegay.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan intii dhinac istaagtay arrinteyda, Cadaaladda ayaa guuleysatay, dacwada qeybta hore ayaa dhamaatay qeybta dambe wey furmi doontaa oo aniga xaq ayaan u leeyahay, cidda igu soo been abuuratay beenteeda waa la caddeeyay”ayuu yiri Siyaasiga.

C/Raxmaan ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, isla markaana aan dalka dib loo celinin wuxuuna ka codsaday inay Barlaamanka ay cadaaladda ilaaliyaan.

“Waa laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, dalkan xilli dib loo celiyo lama joogo, Dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, labada guddoon ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa inay sharciga taageeraan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Dhanka kale Siyaasi C/Raxmaan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay la xisaabtamaan cidii mas’uuuliyadeeda gabtay.