AMISOM oo ka cabaneyso dhaqaalo xumo soo wajahday

Waakiilka gaar ka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Fransisco Madera oo warbaahinta kula hadlay Magalaada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa sheegay in caqabadaha ugu weyn xilligani hortaagan howlgalka AMISOM ay tahay Dhaqaalo xumo soo food saartay.

Mr Madera ayaa xusay in howlgalku uu hormar fiican sameyn karin haddii an wax laga qaban Miisaaniyad xumada soo wajahday xilligani.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Fransisco Madera ayaa ku baaqay in laga Caawiyo dhanka Dhaqaalaha, si ay u qaadan weerarkii ugu dambeeyay oo ay ku soo Afjarayo Xarakada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ergayga ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay qorsheynayaan dulaan ay ku qadaan deegaano iyo Degmooyin ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab, waxaana uu sheegay si ay u fuliyaan howlgalkaasi ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah,

Ma’ahan markii ugu horreysay oo AMISOM ay ka cawdaan Dhaqaalo xumo soo wajahday oo ay tilmaameen in ay la dhaqaaqi la’yihiin.