Al-Shabaab oo sheegay inay Qarax ku dileen Taliyihii Howlgallada Puntland

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegay inay Qarax miino ay laeegteen Gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamada PIS-ta Puntland waxaa lagula eegtay duleedka magalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Gaariga Qaraxa Miinada loo dhigay ayaa la socday Kolonyo Gawaari ah oo isugu jirtay ciidamo Maraykan ah iyo kuwa la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee PIS-ta Puntland, waxaana xilliga Qaraxa lala beegsanayay ay marayeen nawaaxiga degaanka Galgala.

Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxan in ay ka dambeeyaan rag ka tiran Shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan degaanada Puntland, waxayna sheegeen in Qaraxaasi ay ku dileen saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dadka halkaasi ku dhintay uu ka mid ahaa Taliyihii Howgallada PIS-ta Puntland oo lagu magacaabi jiray Col. Galayr Xassan Yuusuf iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Barkhad.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamul Goboleedka Puntland oo la xiriira sheegashada Shabaab ee ah inay saraakiil Puntland ah ay qarax miino ku dileen.