Xeer Ilaalinta oo laga dalbaday inay caddeymo u keento Eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir waxaana goob joog ahaa Xildhibaano iyo siyaasiin kale oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dacwada Dhageysiga ayaa socotay mudo ku dhaw hal saac, waxaana Xeer ilaalinta laga dhageystay eedeymaha loo soo jeediyay Siyaasiga sidoo kale waxaa la dhageystay Qareenadii u doodayay Siyaasiga, Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan C/Shakuur dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano Qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.

Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in muddo 5 maalmood ah loo siiyo, si ay baaritaanka ku soo dhameystirto, isla markaana ku keento caddeymo arintaan la xariirta,balse Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday dalabka Xeer ilaalinta, wuxuuna u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno cadeymo, laguna soo dhameystiro baaritaanka eedaha loo heysto.

Waxaa la dhageestay Qarreenada u doodaya Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxayna sheegeen inaan sharci loo marin soo qabashada siyaasiga iyo weerarkii lagu qaadayba Guriga Siyaasiga, waxayna dalbadeyn in uusn dambi lahayn oo la sii daayo C/raxmaan.

Dhanka kale C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay Qarreeno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay ahayd mid sharci darro ah, isla markaana aanu wax dambi ah lahayn, Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur