Warqad uu xabsiga ka soo diray Abdirahman Abdishakur

Marka hore waxaan ka cudur daaranayaa haddaan dooran waayo erayo aan ku cabiro sidey wax u dhaceen, welina u dhacayaan 48 saac kadib. Waxaan ku hormarayaa waad mahadsantihiin, anigoo og ineysan idin ku filneyn dhammaan dadkii ka xumaaday sidey u wax u dhaceen, kasoo billow ehelkeygii, gabadha yar ee iskuulkeeda ay saameysay subaxnimadii, hooyadii uurka lahayd ee wadada laga xiray ilaa safiiradi, siyaasiyiintii iyo xildhibaanadi ii dedaalay.

Marka xigta waxaan leeyahay dhammaantiin ha i baqina, xabsi, xarig, jirdil, dhaawac iyo dhimasho rag baan u ahay, haddana siyaasi dalka inuu hanto raba ayaan u ahay, intaas iyo ka badan ba dulqaad keed inaan yeesho anigey waajib igu tahay.

Waxaan iyagana eray dhihi lahaa dhammaan dadkii ka falceliyey wixii igu dhacay, kuwaas oo laba koxood u badnaa, qeyb ii naxeysay, jecleed iney ii hiiliyaan, kana xumaaday wixii igu dhacay inaan isku qabiil nahay darteed, kuwaas waxaan leeyahay, maalin noloshiina ka mida haddaad ii hureysaan, maanta igu hiiliya inaad naan dartey wax u sameyn, sababna u noqon in ay dhacaan wax la mida wixii igu dhacay, dartey dhiillo, colaad iyo isnacayb ha u abuurina, cidna ha u caayina, ha ugefinina, taas badalkeeda noo ilaaliya dowladnimada iyo qarankeena isagaa waxla igu yeelay waana ku kalsoonahay inuu i xaalmarin doono, lagase yaabe iney soo daahdo, waayo waxaa la ila damacsanaa waxa ugu weynaa in dartey rabshado udhacaan, kadibna taarikhdaas madow magaceyga lagu galo, waxna loogu geysto dowladnimadeena.

Kooxda kale waa qoladii ku faraxsanayd wixii igu dhacay, sababta oo ah qabiilka aan ka dhashay, kuwii igu diganaayey, kuwa dacaayadda iyo ceebeynteyda weli ku howlan, waa kuwa aan ujeedin dhiiga, dhimashada, dhaawaca iyo arga-gaxa la ii geystay, ee keliya aniga iyo qabiilkeyga u jeeda, qoladaas waxaan leeyahay damiirka haka tagina, ha igu colaadinina qabiilkeyga, qabiilkeygana haku colaadina aniga waayo aniguba qabiilkiina col lama ihi, ha igu nicin wax aniga iyo adiguba aynaan badali karin, I taager, i jeclow iyo ii nax kuma lihi laakin ugu yaraan ha igu xadgudbin, haddaad diiday ugu yaraan gobanimada haka tagin oo aniga oo wax iskakaa dhihi kara wax i dheh.

Intaas kadib Kama xumi sidey wax iigaareen naf ahaanteyda waxaanse ka xumahay, sidey u saameysay noloshii dadkii kale. Waxaan la murugoonayaa xaasaskii asayda qaaday ee wiilashii ila shaqeynayey ee gurigeyga lagu dilay, waxaan ka xumahay haddana sida maydkooda loo xurmeyn waayey, ee inta qooqan lagu guray, la yiri duuga kuwii dilay, waxaan ka xumahay iney ku dhinteen gacanta askar ay heshiis ku ahaayeen iney cadaw iska wada difaacan. Waxaan is weydiinaya carruurta yaryar ee dartey agoontowday waxa ay taarikhdu u sheegi doonto, marka ay is weydiiyaan yaa aabaheen dilay?

Inkasta oo aan u toog hayey dhacdooyin kala gadisan, kala adag, kala fog, kala aragti ah, kala waqti ah, maalinba aan isku dhinac ama kala dhinac noqoneyno saaxibo iyo walaalo aan isku fognahay haddana isma lahayn waxaad ku istaagi doonta iyadoo mugdi ah maydka ciidankeygii oo xiran tuutaha dalka una qori igu hayo mid kale oo wata isla tuutaha ciidanka, anigoon amar diidin, rabsho abaabulin, cid kale ku xadgudbin, waddana ii xirneyn.

Intaasiba iyadoon istaahilkeyga ahayn anigoo og, anigoo ciil, uurku taallo iyo murugaba ay igu filantahay waxa saq dhexe gurigeygii mugdi u badalay, i qalqal galiyey, hantideydii, dhiigeygii iyo sumcadeydiiba lagu soo weeraray iney yihiin hantidii, xoogii iyo ciidankii dalka, haddana waxaan ahay muwaadin intaasba dalkiisa dartiis ay ugu dhicikarto, waxaan muwaadin u ahay in la isoo dacweyn karo markii loo baahdo, in la ixiri karo, la ina xukumi karo waqti walba iyo meel walba, iyadoon gurigeyga lagubin, xabado lagu rusheyn, masaakinta ka shaqeysana dhiigooda la daadin, iyadoon saaxibada iyo dariskeyga saq dhexe la qalqalin, sidaas ay tahay haddana isla dalkeygaas ay ka suurtagashay in sidaas la iila dhaqmo ayaan caddaalad uga fadhiya, isagaan ku qanacsanahay wixii aan kala kulmo, isagaan sugayaa xukunkiisa waayo isagaan leeyahay.

Dhammaan wixii igu dhacay waxa ugu xun marka laga tago dhaawaca jirkeyga iyo qalbigeyga loo geystay kan sumcadeyda loo geystay, kaas oo ah in isla habeenkii la diyaariyey Dacaayad (propaganda) la leeyahay lacag ayaa gurigiisa laga helay, weliba in ceebeyntaas lacag lagu siiyey warbaahinta iyo shaqsiyaad iyadoo aan loo naxeyn xaaladda aan ku jiro iyo xaqiiqda dhacday, taas oo ii tusineysa heerka nacaybka, xaasidnimada iyo qar iska tuurnimada la ila damacsanaa.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre, Fahad Yaasiin iyo Thaabid oo ah milkiilayaasha hoggaanka dowladda maanta ee sidaas la igu yeelay, waxaan leeyahay, waqtigu waa yaryahay, adduunyadu waa yartahay, waxkasta oo maanta dhacana waxey galayaan taarikhda, awoodda, lacagta, amarka iyo talada aad maanta haysataan ma waari doonan sida dabiiciga ah, ee bal intaad kafikireysaan inaad magaceyga ceebeysaan, ii maleegtaan mu’aamarad iyo si aad ii aamusisaan, uga fikira waxa ay ku sheekeysan doonan carruurteenu markey inaga nala ekadaan iyo waxa taarikhda inoo gali doona.
Maxamed Royal ayaa qoray warqaddaan, waxa uuna ku halqabsaday Cabdiraxmaan, si uu u tusaaleeyo waxbadan oo jira wacyi ahaan iyo meesha uu ka taagnaan karo.