War Deg Deg ah:Maxkamadaynta Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur oo dib u dhac ku yimid

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa galabta ku dhawaaqday in dib loo dhigay Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo lagu balansaa inay galabta ka dhacdo Muqdisho.

Dacawd oogayaasha ama Xeer Ilaalinta C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa maanta laga sugayay inay keenaan cadeymo la xariira waxybaaha lagu soo eedeeyay Siyaasiga oo 17-kii Bishaan laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Avv. Tahliil Xaaji oo ah Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyayin Maxkamaddii galabta ay dib u dhacday ilaa maalinta berri ah, iyadoo sababta lagu sheegay in warqadii amarka Maxkamadda ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta saakay 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna eg tahay maalinta berri 8-da subaxnimo.

Dhanka kale shirar siyaasadeed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrinta xarigga, sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku baaqeen in C/raxmaan C/shakuur Xabsiga laga sii daayo.