Senator Cumar C/Rashiid Oo Beeniyay In Uu Wado Mooshin Ka Dhan Ah Madaxda Dowladda

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, haatana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa beeniyay in uu wax ka wado Mooshin  ka dhan ah Madaxda Dowladda  oo muddooyinkii dambe la hadal hayay.

Waxaana uu sheegay in uu ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator Cumar C/rshaiid ayaa hoosta ka xariiqay in xilligii Doorashada ee 8 Feboary Codadkiisii uu ugu shubay Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxa uu xusay in waligiis uusan ku fikir ahaan doonin Madaxda Qaranka oo haddii ay la yimaadaan wax qabad la’aan uu ka soo horjeesan doono.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in haatan uusan ku qanacsaneyn Nidaamka ay wax ku wadaan Madaxda Dowladda, marka loo ego marxaladaha uu haatan ku jiro Dalka iyo sida loo wajahayo arrimaha xasaasiga ah ee taagan.

Dhinaca kale Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay xariga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hadda Xabsi ugu jira Dowladda Soomaaliya.

Waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay xariga Siyaasigaasi, isaga oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharraxiintii Sanadkan Doorashada kula tartamay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.