Gudoomiye Fanax “Xubno Garsoor oo xilka iga qaadi karo Baydhabo Ma joogaan”

Waxa uu sheegay in aanan awood ahaan Xilka ka qaadi karin, Golaha Adeegga, Madaxweynaha iyo xubnaha ka hooseeya Hay’adaha fulinta iyo Sharci dajinta aanan Xilka ka qaadi karin.

Awood ahaan ayuu sheegay in uu lamid yahay Madaxweynaha, sidaa awgeedne uusan xilka ka qaadi karin Madaxweynaha si lamid ah in uusan Xilka ka qaadi Karin Madaxweynaha.

Xildhibaanada Xilka ka qaadi karo ee Dastuurka uu dhigayo ayuu ku sheegay in aysan ka yaraan Xildhibaanada ka Soo jeedineysa Xil ka qaadistiisa 91-Mudane sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweynaha Koofur Galbeed ayuu ku tilmaamay mid sii wiiqeyso awoodda Maamulka, waxa uuna sheegay in hakad uu galay shaqadii Maxkamadda sare ee Koofur Galbeed, muranka jira awgii.

Wasiirka Cadaaladda, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo madaxda Dowladda Federaalka ayuu ka dalbaday in ay la gudboon tahay in ay arrintaan soo fara geliyaan si wax ay ugu qabtaan una madax banaanaado hay’adda Garsoorka Koofur Galbeed.