Faah faahin: Weerar xalay ka dhacay Afgooye

Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.

Weerarka ayaa wuxuu ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.

Saraakiisha ammaanka Dowladda oo la hadlay xafiiska Risaala ee degmada Afgooye ayaa sheegay rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka weerarka uu ka dhacay iyo Xoogagii Shabaab ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa halkaasi lagu dilay, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka tirsanaa Shabaab sida Saraakiisha ay sheegeen.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in mudo kooban ay la wareegeen Buundada Yar ee Afgooye, halkaasi oo ay sheegeen in mudo ah in ay ka dagaalameen.

Waxay sidoo kale sheegeen Shabaabka in Dagaalkan ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen.

Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.